Solskjaer Oo Lagula Taliyay In Uu Sameeyo Saxiixyo Afar Ah Si Uu Xaalada Man United U Badali Karo

Kooxda Manchester United ayaa si wayn loogaga hadlayaa warbaahinta England iyo guud ahaan caalamka kadib markii ay qaabkii ugu xumaa kaga soo jireen xili ciyaareedka Premier League.

Solskjaer ayaan cago adag ku taagnayn wuxuuna markastaba la kulmi karaa shaqo ka caydhin haddii ayna ka soo rayn xaalada uu Old Trafford kaga sugan yahay.

Halyayadii hore ee kooxda Manchester United ee Ryan Giggs iyo Lee Sharpe ayaa tababare Ole Gunnar Solskjaer siiyay tallo muhiim ah waxayna u sheegeen in uu sameeyo saxiixyada afar xidig oo uu xaalada United ku badali karo.

Talada Giggs iyo Lee Sharpe ayaa lacag badan ku kici karta iyada oo Ed Woodward uu ku qasbaan karo in haddii uu sii aaminayo Solskjaer in uu markale lacag badan suuqa January kharash gareeyo.

Liiska afarta saxiix ee ay Lee Sharpe iyo Giggs soo jeediyeen waxaa kaalinta kowaad kaga jira Harry Kane kaas oo ay doonayaan in uu xal u noqon karo dhibaatada weerarka Man United.

Manchester United ayaa waqti dheer lala xidhiidhinayay Harry Kane kaas oo ay kooxdiisa Tottenham iyaduba ku dhibtoonayso Premier League iyo Champions League.

Harry Kane laftiisa ayaa la kulmaya talooyin ah in uu iskaga baxo Tottenham oo uu ku biiro kooxaha waa wayn inkasta oo Manchester City lagula talinayay inta badan.

Qiimaha suuqa ee Harry Kane ee transfermarkt ayaa ah 135 milyan inkasta oo ay Tottenham ayna diyaar u ahayn in ay iibiso isla markaana ay qiimo waali ah duldhigi karto haddiiba la soo dalbadao xidiga reer England.