Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Arrimaha Dowlad Goboleedyadda

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sameyn doono dowlad goboleedyadda fuliya adeegyadda ay baahan yihiin bulshada.

“Waxaa naga go’an, in aan ku soconno waddadaas la mahdiyey, si aan u dhammaystirno yagleelidda Dowlad Goboleedyo u adeega ummadda deegannadooda, isla markaasna ka qayb qaata dib-u-dhiska Qaran Soomaaliyeed oo waara.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in nidaamka fedaraalka uu yahay nidaam ay dadka Soomaalida ah ku heshiiyeen, balse dadka qaar qalad ay u fahmeen sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaa ku daray in nidaamka fedaralka ah uu si cad u qeexayo awoodaha dowlada dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah.

“Nidaamka fedaraalku wuxuu si cad u qeexayaa awood qeybsiga dowladda dhexe iyo dowlada xubnaha ka ah laakiin ma siinayso madaxbanani gaar ah dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka “.,ayuu yiri madaxwayanha.

“Waxaan idin xusuusinayaa in masuuliyada ilaalinta qarannimada dalka iyo madaxbanaanidiisuba ay saaran tahay dowladda fedaraalka ah “.,yuu intaa ku daray.