Siyaasiyiin ka walaacsan Safarka Kheyre ee Kismaayo

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta kasoo jeedda degaanada maamulka Jubbaland oo maanta shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay Safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku tagay Magaalada Kismaayo.

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in ra’iisul Wasaare Kheyre madaxweynaha Jubbaland uusan u isticmaalin Ololihiisa doorashadda.

Waxaa uu sheegay in ay muuqato tilaabo Ra’iisul Wasaare Kheyre uu Olole ugu sameynaayo mid ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimadda Jubbaland.

Xildhibaanka ayaa xusay in dhammaan Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Jubbaland ay shaki ka qabaan ra’iisul Wasaare Kheyre, islamarkaana ay ka dalbanayaan in uu Caddeeyo Mowqifkiisa.

Ku dhawaad 10 Musharax ayaa ka dalbaday Kheyre in uu Caddeeyo tilaabadda dowladda dhexe ee doorashadda lagu waddo in ay dhawaan ka dhacdo degaanada maamulka Jubbaland.