Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ee caasimada ka furmay Shirkii madasha wadatashiga oo ay qeygalayaan hogaamiyaasha Soomaalida.
Shirka waxaa uu ka dhacaya xarunta Villa Soomaaliya waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka xarunta madaxtooyada Soomaaliya.
Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ah madexweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,ra’iisulwasaaraha Soomaaliya,madexweynayaasha maamul goboleedyada.
Shirka madasha wadatashiga qaran ayaa socon doona 2 maalmood ayaa qodobada lagu soo hadal qaadi doono waxaa ka mid ah maqaamka caasimada Soomaaliya iyo go’aankii madexweynaha Soomaaliya uu qaatay kasoo ahaa in uu ansixiyey qodobadii shirka madasha wadatashiga qaran kasoo baxay.


