Magaalada Khartoum ee xarunta dalka Sudan waxaa lagu soo gabagabeeyay shirkii ugu horeeyay ee ay yeeshaan madaxda hey’adaha garsoorka iyo maxkamadaha sare ee qaaradda Africa.
Shirkan ayaa waxaa martigeliyay dalka Sudan oo madaxweynahooda Cumar Xassan Al-Bashiir ay baadi goobayso maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ee Hague.
Intii uu socday Shirka ayaa waxaa looga hadlay qodobo badan oo ay ka mid yihiin sidii loo horumarin lahaa Garsoorka Qaaradda Afrika iyo sidoo kale sidii looga hortagi lahaa Caddaalad darada laga muujiyo Garsoorka Afrika.
Shirkaasi Soomaaliya waxaa uu uga qeyb galay Wafdi uu horkacayay Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Dowladda Soomaaliya Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan.
Inta badan Garsoorka dalalka Qaaradda Afrika ayaa lagu eedeeyaa Arimo la xariira Musuqmaasuq.
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa ka hadlaaya qodobada kasoo baxay Shirkaasi.



