Shirkii dalalka Afrika iyo Japan oo lasoo gabagabeeyay

Kulankaan oo laba maalmood ka socday Caasimadda Dalka Mozambique ee Maputo,  ayaa waxa Wadamada Afrika u qabtay Dowladda Japan waxana lagu casuumay Wasiiradaha Arimaha Dibadda,Danjirayaasha Safaaradaha Wadamada Afrikada Koonfuureed iyo Aqoonyahinanno.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya, Yusuf Garaad Omar iyo Danjiraha Dowladda Soomaaliya u matala Wadamada Afrika Koonfureed,Danjire Jamal Barrow ayaa Soomaaliya ugu qeybgalay.

Intii uu socday Shirkan ayaa waxaa qudbado ka jeediyay madaxweynaha dalka Mozambique iyo Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dalka Japan oo labaduba sheegeen in Afrika uu dhaqaalaheeda soo kobcayo loona baahanahay in la hormariyo.

“Horumar ballaaran oo dhinac waliba leh ayaa kajira Qaaradda Africa, gaar ahaan dhaqaalaha Africa waxaa uu u muuqdaa mid soo kobcayo, waxaase loo baahanyahay in la sii joojiyo dadaalada ku aadan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Qaaradda”, Ayuu Wasiirka Arrimaha dibadda ee Jabaan.

Shirkan Japan iyo Africa ayaa sanad walba la qabtaa waxaana sanadkii lasoo dhaafay lagu qabtay magaalada Nairobi,waxayna Dowladda Japan ka mid tahay Dowladaha sanadihii dambe Africa kala shaqeynayay horumarinta iyo kaabayasha dhaqaale ee Qaaradda.