Wargelin: Ibrahim Uunlaaye” waxaan ka digayaa in la iibsado dhul reer Uunlaaye ee ku yaalla KM6″

Aqoonyahan Guure Xaaji Ibraahim Uunlaaye oo mas’uul ka ah hantida Xaaji Xaaji Ibraahim Uunlaaye oo dhan waxuu shacabka Gobolka Banaadir, gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda uga digayaa in aan la iibsan-karin dhulka loo yaqaan hadda Muuri oo ku yaala deegaanka No 6.
Dhulkaas, waa dhul dhaxal ah oo ka dhaxeeya dhammaanba reer Xaaji Ibraahim Uunlaaye, waxaana hadda ogsoonahay in ay jiraan shaqsiyaad ku howlan in ay si sharci-darro ah u iibsadaan. Iyadoo Docoments been abuur ah lagu soo sameeyay magaalada Roma, si loo xalaalaysto dhulkaas AU Xaaji Ibraahim Uunlaaye.
Mar kale – Waxaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Muqdisho u cadaynayaa in laga feejignaado iibsashada dhulkaas. Waxaana hadda dagan dad maato ah oo dhulkaasi lahaanshihiisa u yaqaan AU Xaaji Ibraahim Uunlaaye.
Wixii la xiriira sharciyada dhulkaas iyo lahaanshaha AU Xaaji Ibraahim Uunlaaye, waxaan u gudbin-doonaa hay’adaha Garsoorka Dalka, balse Ujeedada Ogaysiiskaan waa in aan shacabka ku baraarujiyo in ay ka feejignaadaan iibka sharci-darada ah ee dhulkaas lagu baadi goobayo hadda.
Ciddii u baahan macluumaad dheeraad ah oo xaqiiqo ah ha la xiriirto cinwaanka: Gureunlaye@gmail.com Ama Tal: Nairobi +254726458625