Shirkii Cuslaa Ee Arrimaha Mustaqbalka Quique Setien Lagaga Hadlayay Oo Soo Dhammaaday

Kulankii deg-dega ahaa ee ka dhacay xarunta weyn ee Barcelona ee lagaga arrinsanayay mustaqbalka tababare Quique Setien ayaa lagu soo warramayaa inuu soo dhammaaday.

Madaxweynaha Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa la kulmay Setien waxaana lagu go’aamiyay in Setien uu kooxda sii maamuli doono kulanka Alaves ee La Liga ka hadhsan intaas kaddibna kooxdu ay gaadhi doonto go’aan mustaqbalka fog ah.

Marka uu La Liga dhammaado, safka Barcelona ayaa haysan doona lix maalmood oo ay ku nastaan kahor inta uusan dib u bilaabmin tababarka Champions League ee ay iskugu diyaarinayaan kulanka Napoli.

Maalmahaas ayay tababare Setien iyo madaxda sarre ee Barcelona ka fal-celin doonaan xilli ciyaareedka, waxa ay kooxdoodu u baahan tahay iyo sida ay iskugu diyaarinayaan Champions League.

Sida uu sheegayo wargeyska Sport, Barcelona ayaan qabin wax dareen ah oo ah inay caydhiso tababare Setien xilli ciyaareedkan iyadoo sida kaliya ee uu kooxda kaga tagi karaa ay tahay inuu isagu go’aansado bixitaan kahor bilaabashada Champions League ee bisha dambe.

Haddii ay Barcelona dhaafto kooxda Napoli, waxa ay u safri doonaan dhinaca magaalada Lisbon halkaas oo ay kula ciyaari doonaan mida soo baxda Chelsea iyo Bayern Munich.

Ugu dambayn, tababare Setien ayaa la sheegayaa inuu xanuun dareemay kaddib kulankii Osasuna isagoo dhibsaday natiijadii guuldarrada ahayd iyo hadaladii kasoo yeedhay Lionel Messi oo uu u arko kuwo eedayn toos ah ku ah wakhtigiisa kooxda.