Madaxweynaha Dowladda Faderaalka Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb.
Waxaa garoonka ku sugan oo soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaare Kheyre, Madaxweynayaasha Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle iyo Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug.
Waxaa uu ka qeyb gali doonnaa wajiga labaad ee wadahalada arimaha Doorashooyinka kaa oo ay ku kulmayaan Madaxda Dowlada Faderaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada .
Dhammaan Madaxda maamulada ayaa ku sugan Dhuusamareb marka laga reebo Madaxweyne Deni oo maalinta berri ah kusoo wajahan.



