Shirkii 4-aad ee Qurbajoogta oo ka dhacay Muqdisho.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah  Somalia ayaa  martigelisay Shirkii 4-aad ee Soo-Noqdayaasha Qurbajoogta Soomaaliyeed maanta oo ka dhacay Muqdisho.
Shirka waxaa si rasmi ah u furay Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Arimaha dibada Isaak Mohamud Mursal iyo Xoghayaha Joogtada ah Hamza Adan Haadoow, kuwaas oo carrabka ku adkeeyay kaalinta qiimaha leh ee qurbajoogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dadaallada dib-u-dhiska dalka.
Labada mas’uul waxay mar kale xaqiijiyeen sida dowladda uga go’an tahay xoojinta xiriirka adag ee lala yeesho qurbajoogta Soomaaliyeed oo ah la-hawlgalayaal muhiim ah oo kaalin weyn ka qaadanaya horumarka iyo barwaaqada Soomaaliya.
Hindisahan muhiimka ah, oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Arrimaha Qurbajoogta iyo Jaaliyadaha, Ibraahim Huure Maxamed, ayaa fursad u siiyay wada-tashiyo wax-ku-ool ah iyo iskaashi, iyada oo la xaqiijinayo in qurbajoogtu ay kaalin weyn ka qaadato horumarka Soomaaliya.
Shirkan wuxuu muujinayaa sida Wasaaraddu uga go’an tahay in ay la shaqeyso dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gudaha iyo dibaddaba, si wadajir ah loogu shaqeeyo Soomaaliya midaysan, xasilloon, oo barwaaqo ah.