Ciidamada ammaanka maamulka Galmudug ayaa soo qabtay Nin ku Eedeysan inuu xalay dil u geystay Laba Xidigle Xasan Quuri oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya, qeybta Galmudug.
Dilkaas ayaa xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, waxaana howlgal saakay ay fuliyeen ciidamada amniga ugu suurto gashay in gacanta kusoo dhigaan ninkii dilka geestay oo isku dayayay in uu ka baxsado laamaha Amniga.
Taliyaha saldhigga booliiska magaalada Dhuusamareeb Dhamme: Nuur Cilmi oo la hadlay Warbaahinta , ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen dilaaga, waxa uuna xusay in ay ku socdaan baaritaan si deg deg ahna caddaaladda loo horgeyn doono.
Degaanada Galmudug, ayaa inta badan askarta iyo dadka kale ee dilalka geysta waxaa loo soo qabtaa si deg deg ah waxaana lagu fuliyaan xukunno oo ay ridaan maxkamadaha kuyaalla degaanada Galmudug



