Shirkii 4-aad ee madasha guddiyada dastuurka oo Maalintii labaad galay

Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland waxaa Maalintii labaad ka socda shirkii 4-aad ee Madasha Guddiyada Dastuurka ee heer Federaal iyo heer Dawlad goboleed,kaas oo shalay halkaasi ka furmay.

Shirkaas waxaa ka wada qeybgalaya Guddiga la Socodka ee dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo mudane Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid) guddoomiyaha guddigaasi,Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka,Guddoonada Barlmaanada iyo Guddiyada Dastuurka ee Dawladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka ee labada aqal Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo furitaanka kulanka ka hadlayay ayaa Dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada waxaa uu ku eedeeyay inaysan kazoo bixin kalaintii laga rabay eek u aadan dib u eegista Dastuurka dalka.

Shirkaas ayaa socon doona  muddo seddex maalmood ah,iyadoo looga tashanayo cutubyada 10-aad ilaa 15-aad oo ay soo diyaariyeen guddiyada Dastuurka heer Federaal,waxaana la soo geba-gabeyn doonaa Maalinta Berrito ah lagana soo saario doonaa Warmurtiyeed.