Paul Pogba oo u jawaabay taageerayaasha Man United

Xiddiga Manchester United Paul Pogba ayaa hadlay ka dib markii cunsurinimo lagula kacay warbaahinta bulshada isagoo leh ‘kaliya waxaad iga dhigeysaan mid xoog badan’.

Pogba waxaa bartilmaameedsaday taageerayaaal badan oo isticmaaalayay Twitter-ka ka dib markii uu qasaariyay rigoore kulankii Manchester United ay barbaraha 1-1 la gashay Wolves habeenkii isniinta.

Saaxiibkiisa kooxda Red Devils, Marcus Rashford, ayaa sidoo kale ahaa mid cunsuriyaddaas oo kale la kulmay ka dib markii uu ku guul darreystay inuu rigoore dhaliyo kulankii guuldarada Sabtidii ka soo gaartay kooxdiisa Crystal Palace.

Pogba, isaga oo ka baxay aamusnaanta ayuu ka hadlay arintaan, waxaana uu bartiisa Instagram ku soo qoray: ‘Aabayaasheyda iyo waalidkey waxay ku dhibtoodeen in jiilkeena maanta xor noqdaan, oo uu shaqeeyaan si adag, si xoriyad leh baska uu raacaan, iyo inay kubada ciyaaraan.

Aflagaadada cunsuriyaddu waa jaahilnimo oo kaliya waxay iga dhigeysaa mid xoojin kara kuna dhiirran kara inuu u dagaallamo jiilka xiga.

Wuxuu ku soo qoray Twitter: bal ku filan hadda, tani waxay u baahan tahay in laga joojiyo Twitter. Man United waa qoys. Paul Pogba waa qeyb weyn oo ka tirsan qoyskaas. Waad weerari kartaan isaga waad na weerari doontaa dhamaanteen.

Shakhsiyaadka ku kacay falkaaan ma matali karaan qiimaha kooxdeena weyn, waana dhiiri gelin inaad aragto inta badan taageerayaasheena oo ka xun arintaan sidoo kale, ”ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay kooxda.

Intii lagu jiray ciyaartii Crystal Palace ee ka dhacday Old Trafford, taageerayaasha Manchester United waxay soo saareen boorar ay ku qornaayeen ‘United ka dhan cunsuriyada’.

Isaga oo ka jawaabaya xadgudubka lagula kacay ninka ku guuleystay Koobkii Adduunka Pogba wuxuu yiri: ‘Waxaan si xoogan u cambaareyneynaa dhaqankan aan la aqbali karin, waxaana haatan si rasmi ah u hakiyey akoonada la iiga xadgidbay.