Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo Caawa la soo Gabagabeynayo

Shirka Madasha Wadatashiga hoggaamiyeyaasha Qaranka oo ay ku mideysan yihiin hoggaanka dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira ayaa caawa lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo magaalada Muqdisho caasimada Soomaaliya.

Madaxda Madasha Wadatashiga Qaran  ayaa la sheegaya in ay isku fahmi waayeen qodobo dhowr oo ay ka mid yihiin xildhibaanada Aqalka Sare iyo Aqalka hoose u matalaaya gobolada Sool iyo Sanaag qaabka loo soo xulaayo.

Warar Hoose oo ay heshay idaacadda Risaala ayaa sheegaya in madaxda qaarkood ay ku taliyeen in ay Soo xulaan xubanaha doorashada u matalaaya maamulka Somaliland xildhibaanada Sool iyo Sanaag.

Gabagabada shirka ayaa la filayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo waqtiga ay dhacayaan doorashooyinka dalka Soomaaliya.