Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo weli hakad ku jira

Waxaa weli hakad ku jira Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe ka dib markii ay isaga baxeen qaar ka mid ah beelihii ka qeyb geli lahaa dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Wasaarada Arrimaha gudaha ayaanan weli si toos ah ugu hadlin sababta uu hakadka ugu jiro shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Sidoo kale qaar ka mid ah beelaha ka soo jeedaa Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa isaga baxay shirka ka dib markii ay sheegeen in ay xuquuqdooda oo dhameystiran ka waayeen shirka.
Beelaha qaar ayaa shirar kala duwan ugu socd Magaalooyin ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxayna sheegeen in ay ka tashanaya aayahooda maadaama ay waayeen xuquuqdooda.

Wasaarada Arrimaha gudaha ayaa weli wado kulamo lagu qancinayo beelaha isaga baxay shirka ka soconayo Jowhar iyo sidii loogu soo celin laahaa.