Gudoomiyaha G/Banaadir oo dhagax dhigay dib u dayactirka waddo Muhiim ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta dhagax dhigay waddada marta inta u dhexeysa Dekada Muqdisho iyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dayactirka wadadaan ay ahmiyad gaar ah u leedahay Gaadiidleyda Dekeda Muqdisho Alaabta ka soo dejisata.
Waxa uu sidoo kale sheegay in mashruuca lagu dhisayo Wadadaan uu qeyb ka yahay Mashruuci Dalkaaga dhiso oo uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxa uu xusay in dhismaha wadadaan uu kula xisaabtamayo waaxda Dowlada Hoose ee Xamar iyo Waaxda jidadka ee Maamulka Gobolka Banaadir.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku howlan dhismaha iyo dayactirka Wadooyinka iyo goobaha taariikhi ah eek u yaalla Caasimada muqdisho.