Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Sadik Warfa ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Siciid Xamse.
Kulan gaar ahaa oo ay yeesheen ayaa waxaa ay uga wada hadleen xoojinta dadaallada ay Xukuumadda Soomaaliya ku gaaeyso Muwaadiniinta kuwooda nugul iyo dagaalka loogu jiro ka hortagga fayruska Covid-19.
Soomaaliya ayaa waxaa laga helay kiisas farabadan oo Cudurka Coronavirus oo dad ay u dhinteen,waxaana Wasaaradda Caafmaadka Somaaliya ay si maalinle ah u soo bandhigtaa kiisaska Cusub ee laga helay Soomaaliya.



