Sida lagu daabacay Barta Barta Twitter-ka Wasaarradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Urur goboleedka IGAD ayaa dhawaan qabanayo shir looga hadlayo khilaafka u dhaxeeeya dowladaha Soomaaliya & Kenya.
Shirkaan oo 20 bishan Decembe lagu qabanayo dalka Jabuuti ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Dowladda Soomaaliya Ashtako ka dhan ah Kenya ay u gudbisay Ra’iisul Wasaaraha Suudaan oo sidoo kale ah madaxa xiliggan ee Urur gobolleedka IGAD.
Khilaafka labada dowladood ee Soomaaliya & Kenya ayaa cirka isku shareeray bishii hore markii ay dowladda Soomaaliya dalka ka saartay safiirkii Kenya, iyada oo dhinaca kalana u yeeratay safiirkii ka joogay magaalada Nairobi.
Lama oga waxyaabaha kasoo bixi kara shirkaas, iyada oo uu soo laab laabtay khilaafka diplumaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya & Kenya, kaas oo salka ku haayao dano siyaasadeed oo iska soo horjeeda.



