Waxaa Magaalada Cadaado lagu soo gabagabeeyay shirkii loogu hadlaayay sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen dowladaha Hoose.
Shirka ayaa waxaa soo agaasintay Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana marti gelisay Wasaarada Arrimaha gudaha ee Maamulka Galmudug.
Shirka ayaa gabagabadiisa waxaa laga soo saaray 10 qodob, kuwaasi oo intooda badan lagu muujinaayay dardar gelinta sida ay u wada shaqeyn karaan Wasaarada Arrimaha gudaha ee Dowlada iyo Wasaaradaha Arrimaha gudaha ee Maamul goboleedyada Dalka.
Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arrimha gudaha ee Dowlada Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim ayaa warbaahinta u aqriyay qodobada ka soo baxay shirka.
Shirka xiga ayaa waxaa lagu qaban doonaa Magaalada Beydhabo ee Xarunta KMG Maamulka Koofur galbeed .


