Shirkan deg degga ah ee ay isku yimadeen xubnaha golaha Wasiirada ee Xukumadda Soomaaliya ayaa looga hadlayey dar-dar galinta aminga dalka iyo sida wax looga qaban lahaa werarada Al-Shabab ay maalmihii u dambeeyay ka fulinayeen magaalada muqdisho.
Madaxweynaha Jamhuuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka soo laabtay dalka Jabuuti ayaa shir guddomiyey kulanka golaha Wasiirada, waxaana ka qayb galay taliyeyaasha ciidamada booliska, Nabd sugida iyo sirddoonka Qaranka waxaana looga dhagaystay warbixinno la xariirta xaladda amniga dalka iyo qaraxyada ka dhacay magalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ee gobollada Banaadir iyo Bay.
Shirka golaha Wasiiradda ee xukumadda Soomaaliya oo qaatay saacado badan ayaa lagu go’aamiyey in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto howlgal balaaran oo lagula dagaallamayo kooxaha Argagixisada si loo badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed, kaasi oo ay horumuud ka noqoyaan Madaxda sare ee dalka.
Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Mareeye oo shirka kadib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shirka la isku raacay in la qaado howlgallo lagu badbaadinayo shacabka, laguna cirib tirayo Al-Shabaab.
Wasiika Warfaafinta ayaa tilmaamay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka tacsiyadeyneyso dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay magaalada Baydhabo.


