DHAGEYSO: AMISOM “Waan cambaareynaynaa qaraxii Baydhabo”

Danjire Francisco Caetano Madeira  oo ah  Wakiilka gaarka ah ee Midoga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii ka dhacay magaalada Baydhabo, kaasi oo ay ku dhinteen dad aad u fara badan

“Waxaan garab taaganahay ehelada dadka rayidka ah ee ku dhinta weerarka argagixisinimo ee ay Al-Shabaab ku bartilmaameedsadeen dad rayid ah oo goob ku qaxweynayay, kaasi oo muujineyso inaysan u tureynin shacabka”ayuu yiri Danjire Madeira.

Danjiraha ayaa tilmaamay in AMISOM oo kaashaneysa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay dib u bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, si looga cirib tiro guud ahaan dalka, waxaana uu shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidamada amniga.