Shir dib u hishiisiin ah oo laga furay magaalada Beledweyne (SAWIRO)

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa maanta ka furay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan shir dib u hishiisiin ah kaasi oo dhawaan uu kaga dhawaaqay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Shirkaasi ayaa waxaa ka qeyb galay qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya kuwaasi oo kasoo jeeda gobolka Hiiraan.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo xubno kale oo ka tirsan waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in shirka uu yahay mid dib u hishiisiin ah oo lagu dhex dhexaadinayo dhamaan beelaha gobolka Hiiraan.

Shirkaasi ayaa waxaa magaalada Beledweyne dhawaan kaga dhawaaqay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, kadib markii ay is fahmi waayeen wafdi dowlada ka socda oo Beledweyne tagay.

Odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda Hiiraan ee maanta shirka ka furay magaalada Beledweyne ayaa si weyn u dhaliilsan shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee ka socdo magaalada Jowhar.

shirka-dib-u-heshiisiinta-Beelaha-Hiiraan-10 shirka-dib-u-heshiisiinta-Beelaha-Hiiraan-9 shirka-dib-u-heshiisiinta-Beelaha-Hiiraan-8 shirka-dib-u-heshiisiinta-Beelaha-Hiiraan-7 shirka-dib-u-heshiisiinta-Beelaha-Hiiraan-6 shirka-dib-u-heshiisiinta-Beelaha-Hiiraan-5 shirka-dib-u-heshiisiinta-Beelaha-Hiiraan-4 shirka-dib-u-heshiisiinta-Beelaha-Hiiraan-3-1024x576 shirka-dib-u-heshiisiinta-Beelaha-Hiiraan-1