Shil Khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday Shil Gaari oo maanta ka dhacay degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Shilka ayaa yimid ka dib markii Nin Darawal ah oo  watay gaari nooca Soomaalida u taqaan Ina tareega  uu isku dayaayay inuu fuulo Buundada Sheelare ee Degmada Xamar Jajab, waxaa gaariga kaga dhagay Bareega.

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen dadkii goobta kusoo sugnaa ninka ayaa intaasi ka dib soo degtay  isaga  dhagax u dhigay mid ka mid ah taayarada gaariga, wuxuuna hoos galay Baabuurka si uu u farsameeyo cillada qabsatay gaariga ee Bareega ku dhagay (Fariinka ku dhagay), kadibna wuxuu taabtay oo uu jiiday qaybta laga maamulo bareega ee hoose, waxaana sidaas dib ugu soo dhaqaaqay gaariga isaga oo ku hoos jira madaxa ayuuna ka maray gaariga taayarkiisa.

Ciidanka Taraafidda iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa goobta soo gaaray, waxaana halkaasi ay ka qaadeen Meydka ruuxa gaarigu dardaray.