Higuain oo Sheegay In uu Mar Ku dhawaaday In Uu Isaga Fariisto Kubada Cagta

Weeraryahanka Cusub ee Kooxda Chelsea Gonzalo Higuain Ayaa Ka Hor Kulanka Caawa Wareesi Uu Bixiyay Ku Sheegay In Uu Ku dhawaaday In uu Ciyaaraha Ka Fariisto.

Sedex sano Ka Hor ayay Ahayd marki uu Higuain Go’aan Ku Gaaray In Uu Iska Joojiyo Ciyaarista kubada Cagta Balse Hooyadiis iyo Asxaabtiisa ayaa ka diiday kubaasoo Jeclaa in uu Xidigaan ka sii mid ahaado Kubada Cagta.

“Marki aan Ciyaaray Finalkii Sedexaad ee Xulkeyga Copa America oo ay Chile Naga Qaadeen Waxaan Dareemay Niyad Jab xoogan oo aan Ka Soo Kaban Waaye”

“Xanuuno Daran Baa I Soo Wajahay tasoo Keentay In Aan Jecleesto ka Fariisashada kubada Waxaana Ahaa Mid ay ka Go’need Midaas”

“Hooyadeey ayaa Igu Dhahda Wiilkeeyga Ma Waxaad Dooneysaa waxa Aad Jeceshahay In Aad Joojiso Macquul Ma ahan Midaas Mana Arki Karo adoo Ooynaya Ee Howshaada wado”

“Asxaabteyda wax badan waxay ahaayeen kubo Igu Qasba In Aan Wato Ciyaarista kubada Cagta tasoo Marki Dambe wax ka badashay Qorshaheyga” ayuu yiri Higuain.

Caawa ayuu u Ciyaari Doonaa Kulankiisa koowaad kooxda Chelsea asagoo diyaar u ah in uu caawiyo kooxdiisa Cusub.