Shil khasaare geystay oo ka dhacay Hargeysa

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa  sheegaya in shil gaari oo ka dhacay Duleedka magaalada hargaysa uu ka dhashay qasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Wararkan ayaa sheegaya in shilkan oo ka dhacay tuulo lagu magacaabo Haleeya oo u dhow magaalada Hargaysa, waxaana la sheegay in ay isku dhaceen gaari booyad ah iyo gaari ay wateen dad shacab ah.

 

Kudhawaad 4 ruux ayaa la xajiiyey in ay ku dhinteen shilkaas.