Wararka ka imaanaya Puntland ayaa sheegaya in 2 ruux oo Dumar ah ay ku geeriyoodeen 6 qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib shil gaari oo ka dhacay degaanka Yaka-yaka oo ka tirsan degmada Qardho gobolka Karkaar.
Saraakiisha ciidanka ilaalada waddooyinka Puntland ayaa xaqiijiyay in shilkan uu galay gaari nooca loo yaqaan Noohada oo rakaab siday, islamarkaana ay weli baaritaan ku hayaan dhacdada.
Dhaawacyadii ku waxyeelloobay shilka oo qaarkood sida la sheegay culus yihiin ayaa dhammaantood loo qaaday xarumaha caafimaadka magaalada Qardho halkaas oo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad waxaana la soo sheegyaa in dadka dhaawacmay qaarkoood xaaladooda ay soo hagaageyso.



