Shil Gaari oo Khasaare badan geystay ayaa ka dhacay duleedka Magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Shilkaan ayaa yimid kaddib markii Gaari rakaab ah oo ka soo baxay Nairobi ku dhacay Gaari Booyad ah oo isna ka baxay Gaarisa.
inta la xaqiijiyay Shilkaasi waxaa ku dhintay 9 qof, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay in ka badan 20 qof.
Mas’uul ka tirsan maamulka degmada Gaarisa ayaa xaqiijiyay in dadka dhintay ay ku jirto Hooyo iyo 3-Carruur ah oo ay dhashay.
Gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa soo gaaray goobta uu shilku ka dhacay ,waxaana dadkii dhaawacyadda ahaa loo lala cararay Isbitaal ku yaalla Magaalada Gaarisa.


