Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa howlgal gaar ah ka fuliyay inta u dhaxeysa Magaalada Baydhabo iyo sidoo kale degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.
Howlgalkaan ayaa ahaa Mid lagu xaqiijinaayay Ammaanka Wadada isku xirta Baydhabo iyo Buurhakaba.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Buurhakaba Maxamed Xasan Siidow oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay intii ay wadeen howlgalkaasi in ay ku dileen 2 Askari oo ka tirsan Al-Shaabab.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in howlgalkaan ay socdeen maalmihii lasoo dhaafay,islamarkaana ay sii wadi doonaan inta Al-Shababaab ay ka saarayaan degaanada hoos yimaada degmada Buurhakaba.
Al-Shabaab ayaa inta badan waxyeelo u geysta xubnaha ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed xilliyadda ay kusii jeedaan Magaalada Buurhakaba.
Maalmihii lasoo dhaafay ayay Ciidamada dowladda ay xoojiyaan howlgallada ay ku dagaalamayaan Al-Shabaab ee ka socda degaanada maamulka Koonfur Galbeed.


