Allaha u naxariistee waxaa goor dhaweyd shil gaari ku naf waayey 14 qof halka 6 kalana ay ku dhaawacmeen.
Shilkaan gaari ayaa ka dhashay ka dib markii ay isku dhaceen laba gaari oo nuucoodu uu yahay NOAH iyo Laangaruusal, gaariga NOAH-da ayaa la sheegay in ay ka baxday dhinaca Hargeysa kuna sii jeeday dhanka Wajaale halka gaariga Laangaruusalka uu ka yimid Wajaale kuna sii jeeday magaalada Hargeysa.
Dhimashadan iyo dhaawacan ayaa isugu jirta Rag iyo Dumar waxaana uu shilkaan noqonaya kii ugu dhimashada badnaa.