Gudoomiye ku xigeenka degmada Xudur ee Gobolka Bakool Aadan Cabdi Awaareey ayaa sheegay inay sameeyeen howlgal culus oo ay kusoo qab qabteen rag looga shakiyay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab wuxuuna tilmaamay inta howgalka uu socday inay weerar kala kulmeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
Dhanka kale gudoomiyaha ayaa sheegay in amaanka Degmada Xudur uu hada yahay mid wanaagsan islamarkaana ay si weyn u caawinayaan shacabka Ciidamada isugu jira Booliska iyo kuwa Militariga.


