Shiinaha oo dib u celiyey askar ka joogtay Xeebaha Soomaaliya

Dowladda Shiinaha ayaa dib u celisay ciidamo ka tirsanaa ciidamada badda ee kaga sugan xeebaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida, kadib markii la sheegay inuu soo wajahay xanuun daran.

Sergeant Wang Xinsong, oo ah askariga xanuunka daran uu soo wajahay ayaa la sheegay in dib loogu celiyay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaana la dhigay isbitaalka ciidamada Badda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay saraakiisha ciidamada Badda Shiinaha.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Mr Wan Xinsong uu soo wajahay xanuunka dhanka neefta ah,wuxuuna kamid ahaa guutada 22 ee ciidamada badda dalka Shiinaha ee ku sugan xeebaha Soomaaliya.

Askariga ayaa laga wareejiyay isbitaal ku yaala dalka Jabuuti, kadib markii halkaasi muddo lagu daweynayay, waxaana laga helay xanuunka sambabaha ku dhaca, taasi oo qasabtay in Shiinaha dib loogu celiyo.

Bayaanka kasoo baxay ciidamada Badda Shiinaha ayaa lagu sheegay in askarigaasi uu kamid ahaa saraakiisha ciidamada Badda ee Shiinaha kaga sugan Soomaaliya uu ku jiro Xaalad halis ah.

Shiinaha ayaa ciidamadiisa waxay qeyb ka yihiin howlgalka la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida.