Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho, waxaa laga wacay Warbaahinta, waxaana lagu waddaa in uu ku dhawaaqo go’aankiisa ku aadan xayiraada laga saaray Kismaayo shalay.
Waxaa uu ka hadli doonaa dhacdadii shalay ku qabsatay Garoonka, Go’aankiisa ku aadan in dowladda aysan ilaa iyo hadda wax war ah kasoo saarin.
Shirka Jaraaid ee Sheekh Shariif qabanaayo ayaa kusoo beegmaya xilli xalay Xisbigiisa ay soo saareen hadal kulul oo looga hadlay Xayiraada la saaray.
Wixii kusoo kordha kala soco Risaala.net



