Baydhabo-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka hadlay arrinta ku aadan Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).
Wuxuu sheegay in uu soo dhaweynayo wararka sheegaya in Dowladda Mareykanka ay wadaadkaasi ka saartay liiska argagixisada, isagoona tallaabadaasi kaga mahadceliyay Mareykanka.
Shariif Xasan oo u waramay VOA-da ayaa xusay in Mukhtaar Roobow Cali ay ka rajeynayan in uu ka tanaasulo fekerkii Shabaab, islamarkaana uu taageero Soomaalinimada iyo dowladnimada.
Wuxuu qabaa Shariifka go’aanka Abuu Mansuur looga saaray liiska dadka la doon doonayo in ay wax weyn ka bedeli karto amniga Degaanada Koonfur Galbeed.
Shariif Xasan, ayaa wax wanaagsan ku sheegay haddii Abuu Mansuur uu la shaqeeyo Dowladda Soomaaliya, isaga oo intaa ku daray in uu la xiriiri doono, si uu ula hadlo.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu Dowladda Soomaaliya ka codsaday xiriir inay la samayso Abuu Mansuur, ayna ka shaqayso sidii la’isku fahamsiin lahaa ninkaasi iyo dadka degaanka.


