Shaqaale Samafal oo Lagu Afduubtay Hiiraan

Seddex qof oo Soomaali ah oo ka mid ah, shaqaalaha samafalka Hay’adda Save the Children iyo Darawalkii gaariga u waday ayaa maanta laga afduubtay degaan lagu magacaabo Xujuub oo qiyaastii 10-KM dhinaca Koonfur Bari ka xiga magaalada Baledweyne.

Wali lama sheegin kooxda wax afduubtay, laakin degaanka uu afduubka ka dhacay waxaa ka howlgala ururka Al-Shabaab.

Shaqaalaha ayaa degaanka u tagay howl samafal ah, waxaana ay ka qeybinayeen cuntada loo isticmaalo nafaqo darida ee Plumpnet.

Saraakiil Hay’adda ka tirsan oo VOA la hadashay waa ay diideen in ay wax war ah ka bixiyaan dhacdadan.