DHAGEYSO: Caqabado ka taagan jidcadayaasha Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Caqabado iyo dhibaatooyin ayaa ka taagan wadooyinka iyo jidcadayaasha Magaalada Muqdisho, kadib markii Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka ay dhagaxaan iyo caro uu tankooda culus yahay ay ku jareen xilligii Doorashooyinka, gaar ahaan xafladii Caleema Saarka Madaxweynaha oo shalay dhacday.

Arrintan ayaa shacabka Muqdisho, gaar ahaan kuwa Isticmaala baabuurta iyo kuwa ka shaqeysta Bajaajta waxa ay ku noqotay caqabad soo taagan, maadaama markii hore ay isticmaali jireen wadooyinka Qardajeexyada.

Hada waxaa si caadi ah u shaqeynaya wadooyinka waa weyn ee Muqdisho, kuwaasi oo ay isticmalaan Gawaarida Dowladda iyo kuwa caadiga ah ee ay dadka isticmaaloaan.

Muqdisho oo marba marka ka dambeysa ay ku soo badanayaan Gawaarida ayaa waxaa si aad ah ay baabuurta u isticmaalaan wadooyinka waa weyn oo ay ka mid yihiin wadada 30-ka, Maka Al-mukarama, Wadnaha, Tarbuunka iyo wadooyin kale, iyadoo wadooyinkaasi xitaa mararka qaar ay sababto inaad u socoto wax ka badan 2 saac, taasina ay sabab u tahay xirnaanshaha wadooyinka.

Koox ka tirsan Risaala oo isugu jira Sawir qaadayaal iyo Reports ayaa u kuur galay wadooyinka lagu jaray dhagaxaanta iyo carada, si aan wax uga weydiino shacabka dhibaatada ay ku qabaan.

Xuseen Cabdi oo ka mid ah Bajaajleyda Muqdisho ayaa sheegaya Hay’adaha ammaanka in ay dayaceen howshoodii aheyd in dhagaxaanta iyo carada wadada ku jareen ay qaadaan, maadaama ay dhamaadeen danihii loo xiray.

Mar kale Waxa uu sheegayaa Xuseen in Madaxweynaha Soomaaliya ay ugu baaqayaan in arrintan wax laga qabto, maadaama shacabka ay aad u taageeraan Madaxweynaha lagana doonayo in arrintan uu farageliyo.

Qof kale oo ka mid ah dadka Bajaajta ku kaxeeya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya arrintan in muhiim ay tahay in lagula xisaabtamo Maamulka Gobolka, maadaama shacabka reer Muqdisho ay horjoogayaal u yihiin, sidoo kalena loo baahan yahay in dhibaatadan cakirnaanta laga qaado.

Hay’adaha Ammanka Dowladda Federaalka ayaad moodaa in ay hareer mareen shaqadooda, maadaama la doonayay markii ay soo idlaadeen howlihii loo xiray laga doonayay dhagaxaanta iyo carada in la qaado.

W/D:- A/rashiid Ali Dubad Gacal