Shangaani iyo Kaaraan oo ku balansan Tartanka Degmooyinka Risaala

Muqdisho-RisaalaFM- Iyadoo xarunta dhexe ee Idaacadda Risaala uu si xiiiso leh uga socdo Tartanka Degmooyinka ayaa waxaa galabta Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ku balansan Degmooyinka Shangaani iyo Kaaraan oo Labaduba kuwada yaala gobolka Banaadir.

Waxaana Tartankan ka qeyb galaya 16 Degmo oo Labo kamid ah ay ka socdaan gobolka Shabeelaha Hoose halka 14-ka kalena ay ka socdaan gobolka Banaadir.

Tartanka degmooyinka gobolka Banaadir ee Idaacadda Risaala ayaa waxaa taaba galineysa Shirkadda Cabitaanada COCA COLA oo dalka keenta cabitaano dhadhankooda uu aad u sareeyo.

Tartamayaasha Degmooyinka Shangaani iyo Kaaraan oo aan goor dhow qadka telefoonka kula xiriirnay ayaa inoo sheegay in taratnka galabta ay diyaar uyihiin si wanaagsan ay usoo diyaar garoobeen.

Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa waxa uu maanta gali doonaa maalinkii Shanaad, iyadoo tartanka uu socon doono ilaa iyo gaba gabada Bisha Barakeysan ee Ramadaan.