Shacabka Mandera oo codsi u diray dowladda Kenya

Shacabka kunool degmada Mandera  ee gobolka NFD ayaa ka codsaday dowladda Kenya in laga qafiifiyo Bandowga dowladda Kenya ay kusoo rogtay degmadaasi.

Sidoo kale maamulka degmada Mandera ayaa dowladda Kenya u sheegay in ay hoos u dhaceen weeraradii Al-Shabaab ay ka geysan jireen gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

Gudoomiyaha degmada Mandera ayaa sheegay in ciidanka Ammaanka ay wadaan howlgallo kala duwan oo lagu xaqiijinayo ammaanka gobolka , islamarkaana ay haboon tahay in Bandowga laga qaado magaalada.

Shacabka ayaa sheegay in ay sameyn doonaan banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan Bandowga.

Dowladda Kenya ayaa labo todobaad ka hor kordhisay Bandowgii saarnaa Magaalada Mandera.