Sida ay shaacisay Waaxda Socdaalka iyo sidoo kale Jinsiyadaha ee dalka Switzerland waxa la la’yahay ku dhawaad 492 qof oo ka mid ahaa Qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool dalkaasi.
Tiro koob ay sameysay Waaxda Socdaalka ayaa lagu sheegay in dadkaasi Soomaaliyeed ay ka carareen dalka Switzerland , islamarkaana la aaminsan yahay in galeen dalalka Kale ee Qaarada Yurub.
Sidoo kale sababta ay dadkaasi uga carareen dalkaasi ayaa lagu sheegay in tahay cabsi ay qabaan in dib loogu celiyo dalka Talyaaniga oo markii hore qaarkood faro looga soo qaaday.
Dowladda Swizerland ayaa sidoo kale xustay in sanadkii dhamaaday ee 2016 uu ahaa sanadkii ugu badnaa oo Qaxooti Soomaaliyeed ay ka cararaan dalkaasi.
Soomaalida kunool dalka Switzerland oo ay soo xiganayso waaxda socdaalka dalkaasi ayaa sheegay in aysan garanaynin dalalka ay galeen dadkaasi Soomaaliyeed ee ka cararay Switzerland.
Dalka Switzerland ayaa ka mid ah dalalka ku yaalla Qaarada yurub ee qaabila Qaxootiga.


