Shacab dhimasho iyo dhaawac ku noqday Ceel biyood lagu sameeyay Gobolka Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel jiqoow oo hoostaga hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in laba ruux oo ka mid ahaa dadka deegaankaasi ay u geeriyooday biyo sumeysan oo ay ka cabeen Ceel biyoodkii deegaanka Ceel jiqoow.

labada ruux ee cabay biyaha sumeysan ayaa lagu kala magacaabi jiray Saneey Abiikar Aadan Iyo Maxamed Uul Nuur, waxaana sidoo kale biyahaasi sumeysan ku waxyeeloobay ilaa shan ruux oo kale oo haatan lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad Isbitaalka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ceel biyoodka deegaanka Ceel jiqoow oo ay bishaan gudaheeda qarxiyeen Al-shabaab ayaa dib u hagaajintiisa dadka deegaanka maalmahii lasoo dhaafay ay ku howlanayeen, waxaana qof ka mid ah dadka deegaanka uu sheegay in xubno ka tirsan Al-shabaab ay Ceelka sumeyeen xili laga kala maqnaa, taasina ay keentay in labada ruux dhintaan shan kalana ay ku sumoobeen biyaha Ceelka deegaanka Ceel jiqoow.

Dhinaca kale howlgallo culus ayaa Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka waxaa ay howlgallo xoogan ka wadaan degaannada Gobolka Hiiraan oo ay dhawaan kala wareegeen Ururka Al-Shabaab.