Al-Shabaab ayaa sheegtay labo Askari oo ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed in ay ku gowraceen gobolka Shabeelaha Dhexe.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in Askartaasi ay soo raaceen Gaari PL ah oo kasoo baxay degaanka Biyadda Cadde, islamarkaana kusoo jeeday degmada Mahadaay.
Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in jidka ay u galeen Ciidamadaasi ,islamarkaana ay la degeen ka dibna ay gowraceen.
Askarta ladilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Mowliid Xuseen Qeylshe iyo Axmed Yacquub waxayna ka tirsanaayeen guutada 5-aad ee melleteriga DF-ka sida ay sheegeen warbaahinta taageerta Al-Shabaab.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Ciidamada xoogga dalka ee Shabeelaha Dhexe ee ku aadan sheegashada Al-Shabaab ee ah in ay dileen labo Askari.


