Shirka dib u eegista Xeerka Saxaafadda oo Muqdisho ka socda

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ka furmay Shir ay looga hadlaayo sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa xeerka Saxaafadda.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya inta badan Wasiirada Warfaafinta maamul goboleedyadda dalka ka jira  iyo wakiillo ka socda Warbaahinta madaxabanaan.

Waxaa furay Shirka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowladda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan , waxaana uu ku booriyay ka qeyb galayaasha in ay soo gudbiyaan Aragtiyo wax looga badalikaro Xeerka Saxaafadda.

Muddo dhan Saddex maalin ayuu socon doonaa Shirkaan sida uu sheegay Wasiir Yariisow.

Eng. Yariisow ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in xeerka uu noqdo mid ay suxufiyiintu ku qanacsan yihiin, isla markaana dib u eegis lagu sameynayo.