Puntland ayaa sheegtay in ay Maxkamadeynayso burcadbadeed Soomaaliyeed oo ay ku wareejiyeen Ciidamada la dagaalanka Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ee dowladda Shiinaha.
Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa waxa ay sheegeen in Sadexda Burcadbadeeda ah ee lagu wareejiyay dhawaan lasoo taagi doono Maxkamad.
Agaasimaha Wasaaradda Dekeddaha Puntland Cabdimajiid Samatar ayaa sheegay in raggaan dowladda Shiinaha ay ku wareejisay horay Maraakiib badan ay usoo Afduubteen.
Saddexda nin ee lagu wareejiyay Puntland ayaa waxaa lagu kala magacaabaa ;
Maxamed Cabdullaahi Maxamed
Cabdikariin Saalax Maxamed
Maxamuud Mahad Yuusuf.
Raggaan ayaa waxaa ka qabtay Ciidamada Badda ee dowladda Shiinaha xilli ay doonaayay in ay Afduubtaan Markab ganacsi.


