Shabaab oo lagu eedeeyay in ay qasab ku askarayso dhallinyarada Kenya

Taliyaha Ciidanka Millitariga dalka Kenya Jeneraal Somson Mwathethe, ayaa sheegay in Al-shabaab ay qasab ku Askareyso si dhalinyarada ka soo jeeda dalka Kenya.

Jeneraal Mwathethe oo la hadlayay qaar ka mida dadka ku dhaqan degaan xeebeedka JILA GANZE, ayaa bulshada ku booriyay in ay ka feejignaadaan farriimaha qaldan ee Al-shabaab ka imaanaya maaddaama ay diiradda u saaran tahay dadka ku dhaqan dhul xeebeedka Kenya.

Sarkaal u hadlay ciidanka Boliiska ayaa sheegay in Nin dhallinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Subira Sudi Mwangola,ay ku dileen Al-shabaab deegaanka Shumu bishii May ee sanadkan, kaas oo ay dileen laba bilood ka dib markii uu kasoo goostay.

Booliska Kenya ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan dhallinyaro iyo Odayaal dhaqameedyo ay gobolka xeebta ku laayeen Al-shabaab, kuwaas oo qaarkood la sheegay in ay ka dhaga adeeygeen awaamiirtooda.