Shabaab oo la wareegay Degaano ka tirsan J/Hoose

J/Hoose-RisaalaFM- Dagaalamayaasha Shabaab ayaa la wareegay Degaanada Buulo-guduud, Yuntooy iyo Siinka-dheer oo ka tirsan Jubbada Hoose, kadib markii Degaanadaasi ay ka baxeen Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Itoobiya.

Goobjoogayaal ku sugan Degaanadaasi ayaa sheegay in ay arkeen Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Itoobiya oo ku sii jeeda dhinaca Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen in ay Dagaal kula wareegeen Degaanada Buulo-guduud iyo Yuntooy.

Saraakiisha Ciidanka Jubbaland weli kama aysan hadlin ka bixitaanka Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Itoobiya ay uga baxeen Degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Buula Guduud oo qiysaastii 30-KM dhanka waqooyi uga beegan Magaalada Kismaayo waxaana dhowr jeer oo hore ku dagaalamay Ciidanka Jubbaland iyo Shabaab.

Hoggaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dhowaan sheegay in Ciidnaka Jubbaland ay qaadayaan Dagaalo Shabaab looga saarayo Degaanada Jubbaland.