Cadaado-RisaalaFM- Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa ka hor yimid go’aankii Madaxweynaha Maamulkaasi C/kariin Xuseen Guuleed uu ku hakiyay dhamaan howlihii Maamulkaasi.
C/wali Cali Maxamuud oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay go’aan waliba oo Madaxweyne uu gaaro in loo baahan yahay in la horkeeno Baarlamaanka, si ay uga hadlaan.
Sidoo kale xildhibaan C/wali Cali Maxamuud ayaa sharci daro ku tilmaamay go’aankaasi, islamarkaana waxa uu sheegay in uusan shaqeyneyn go’aankaasi.
Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa ku kacsan Madaxda Maamulkaasi, waxaana go’aanka Madaxweyne Guuleed iyadoo shalay Baarlamaanka Maamulkaasi loo diiday in ay galaan Hoolkii ay ku shiri lahaayeen.


