Al-Shabaab oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Galgaduud

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in ay dileen askar badan oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya weerar ka dhacay deegaanka Ceel-Hareeri oo ka tirsan degmada Ceel Dheer ee gobolka Galgaduud.

Wakiilka Shabaab u qaabilsan gobolka Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub ayaa u sheegay warbaahinta ku hadasha afka Shabaab in ay dileen askar ka tirsan ciidanka Soomaaliya ayna furteen gaari dagaal oo ah Cabdi bile .

Waxa uu sheegay in ay 7 askari kudileen weerarka ay ku qaadeen ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Ceel-Hareeri .

Wakiilka Shabaab ee Galgaduud ayaa sidoo kale sheegay dagaalkii shalay ka dhacay Ceel-Hareeri in ay ku furteen qori nooca loo yaqaano Dhashiikaha .

Dagaal culus ayaa shalay ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Shabaab ku dhex maray deegaanka Ceel- Hareeri oo hoostaga degmada Ceel-Dheer ee maamulka Galmudug.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay Shabaab khasaaro badan gaarsiiyeen.