Shabaab: 57 Askari oo Kenyan ah ayaan dilnay

Ururka Al-Shabaab ayaa weeraray xero milateri oo ciidammada Kenya ay dagan yihiin oo ku taalla Degaanka Kulbiyow oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Al-Shabaab ayaa sheegay in ay qabsadeen xeradaas ayna waxyeello wayn u gaysteen Ciidammada dalka Kenya oo ay ka dileen 57 Askari.

Afhayeen u hadlay Ciidammada Kenya Paul Njuguna ayaa diiday sheegashada Al-shabaab laakiin ma uusan sheegin baaaxadda ay la egtahay dhibaatada soo gaartay, isagoo intaa ku daray in Howlgalku wali socdo.

Al-Shabaab ayaase sheegay in ay xayndaabkii xerada ku jabiyeen baabuur ay Qaraxyo ku soo rakibeen ka dibna ay weerar ku ekeeyeen.

Ciidammada Kenya ee ku jira gudaha Soomaaliya ayaa ka mid ah Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM.

Muddo sanad ah ayaa laga joogaa markii weerar noocan ah ay Al-shababa ku qaaday xeradii Milatariga ay Ciidammada Kenya ku lahaayeen Ceel Cadde.

Kenya ila iyo hadda kama aysan hadlin khasaarihii ka soo gaaray weerakaasi, Balse Shabaab ayaa aamusnaanta Kenya ka faa’iideystay oo soo saarta muuqaallo ay ku sheegyayaan sidii ay wax u dhaceen markii ay Ceel Cadde weerareen.