IGAD oo ka digtay weerarada Shabaab

War ka soo baxay urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa looga hadlay weerarada ururka Al-Shabaab ay ka geystaan Dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

IGAD ayaa waxa ay sheegtay kooxda Shabaab in ay mar walba soo maleegaan weeraro halis ku ah shacabka iyo Dowladda Federaalka, taasina aysan mid suura gal ah, oo loo dulqaadan karo.

“Waxaan ka digeynaa Weerarada Shabaab, Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM mar walba waxaa looga baahan yahay in ay sugaan amniga, si looga hortago weerarada Dhagar qabayaasha ayaa lagu yiri.” Warka Qoraalka ah ee ka soo baxay IGAD.

IGAD oo soo hadal qaaday weerarkii ugu dambeeyay ee Shabaab Arbacadii ina dhaaftay ay ku qaadeen Hotel Dayax ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegtay in ay ka go’antahay sii xoojinta taageerada ay siinayaan Soomaaliya.

Sidoo kale IGAD ayaa sheegtay muhiim in ay tahay in Ciidanka iyo shacabka ay ka wada shaqeeyaan ammaanka, si loo gaaro joogteynta nabad waarta iyo amni buuxa.

Ururka Al-shabaab ayaa Arabacadii ina dhaaftay waxa ay weerar isugu jira Qaraxyo iyo mid toos ah ay ku qaadeen Hotel Dayax oo ku yaalla wadada Makah Al-mukarama ee Magalada Muqdisho, waxaana weerarkaasi ku dhimatay inka badan 30 Qof, halka 60 kalena ay ku dhaawacmeen.