SAWIRRO: Wasaaradda Maaliyadda oo soo bandhigeysa Waxqabadkeeda

Waxaa Magaalada Muqdisho ka socota Munaasabad lagu soo bandhigaayo Waxqabadka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Soomaaliya.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda , Wasiiro kale oo ka socda Xukuumadda iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa bilihii lasoo dhaafay ku tilaabsaday horumaro kala duwan, waxaana Wasiirka Maaliyadda lagu Ammaanay in uu habeeyay Nidaamka Maaliyadda dalka.