SAWIRRO: Risaala oo bixisay Deeq ay ugu tala gashay Dhibanayaashii Qaraxii Soobe

Muqdisho-RisaalaFM- Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Arbaco ah Taariikhduna ay ku beegan tahay 25-ka bisha October 2017-ka waxa ay bixisay dhaqaalihii dhageystayaasha Idaacadda ay uruurinayeen mudo ku siman Todobaad, kadib Barnaamijka Gurmad oo ay qabatay Risaala.

Barnaamijkan ayaa ujeedada aan u qabanay waxay aheyd sidii aan uga qeyb qaadan laheyn Gurmadka loo sameynayo walaalaheena ku waxyeeloobay Qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe, kaasi oo lagu tilmaamay Musiibo Qaran.

Barnaamijkan oo galabkii si toos ah uga baxayay Raadiyaha, socan jirayna mudo saacad ah, ayaa waxaa lagu uruuriyay dhaqaale aan is leenahay waad ku caawin kartaan walaalihiina qaar ee dhibaateysan, taasi oo ay soo direen dhageystayaasha ku xiran Radio Risaala FM 102.2-Mhz iyo Internetka Risaala.net, ee ku kala sugan dal iyo dibadba.

Xarunta Dhexe ee Idaacadda Risaala ayaa lagu qabtay Munaasabad Kooban oo lagu bixinaayay deeqdaasi.

Agaasimaha Guud ee Idaacadda Risaala Maxamed Cabdulwahaab Cabdullaahi ayaa kula dardaarmay dadkii Maanta lacagta la guddoonsiiyay in ay shaqo abuur ku sameystaan, islamarkaana idaacadda Risaala ay soo booqan doonto Bilooyin ka dib si loo ogaado waxa nolashooda iska badelay.

Dhageystayaasha Idaacadda Risaala ayaa aad uga mahadceliyay Deeqdii ay sadaqeesteen qaabka loo bixiyay, iyaga oo sidoo kale balan qaaday in ay mar walba ka qeyb qaadan doonaan Barnaamijyada dadka loogu gurmado.

Idaacadda Risaala ayaa aad uga qeyb qaadata Barnaamijyada dadka loogu gurmado laga soo bilaabo 2011-kii xilligaasi oo Abaaro daran ay dalka ka jireen, iyada oo sidoo kale Ramadaankii ina dhaafay sameysay Barnaamij loogu magac daray (Afuri walaalkaaga oo hel laba Ajar), kaasi oo lagu afuriyay dad badan, sidoo kalena lagu ciidsiiyay caruur barakacayaal ah oo boqolaal gaaraya.

Dhibanayaasha Qaraxii Soobe ee Lacagta la guddoonsiiyay.

1:Hooyo haysata 10 caruur ah oo saygeeda uu ku dhintay qaraxii Zoobe ka dhacay, wuxuu ahaa nin reerka ay ku tiirsanaayeen oo ka xamaasha Dakadda Muqdisho, waxaa lagu magacaabaa C/raxmaan Cali Maxamed Buraale, wuxuu sidoo kale gacanta ku haayay waalidkiisa oo waayeel ah ,Lacagta la siiyay waa 500$ ,lambarka laga helikaro ….0618974715

2:Hooyo Khadiijo Cadow Salaad waa hooyo haysata 8 caruur ah, saygeedana uu ahaa Bajaajle ku dhintay qaraxii Zoobe, cid kale oo Biili jirtayna malahan, ,Lacagta la siiyay waa 500$ ,lambarka laga helikaro ,0615802566 Degmada Waaber

3:C/laahi Cali Cadaan waa Aabe Somaliyed wuxuu haayaa 7 caruur ah oo Hooyadood oo gabadhiisa aheyd ku geeriyootay qaraxii Zoobe, caruurtaasi waa Agoon Aabahood horay ayaa Shabaab u dilay ,Lacagta la siiyay waa 500$ ,lambarka laga helikaro 0615184307 Kaaran

4: Cali Daahir Kulane Rooble oo loo yaqaan Cali Cambaar wuxuu ku dhintay qaraxii Zoobe, wuxuu ahaa nin muruq maal ah oo ka shaqeyn jiray Suuqyada Khudaarta Bakaaro iyo Saybiyaano iyo Suuq Bacaad, wuxuu biili jiray Hooyadiis oo waayeel ah iyo Aabihiis oo xanuunsan, gabdho la dhashay oo ilmo lagu soo furay, ilmo uu abti u yahay oo Agoon ah, qaar rajo oo hooyo iyo aabe midna aanan laheyn xaaskiisa oo laba caruur ah haysata, ,Lacagta la siiyay waa 500$ ,lambarka laga helikaro 0615215392 Kaxda

5: Hooyo Daahiro Muumin Cali Waa hooyo Saygeeda ku wayday Qaraxii Zoobe waxa ay haysataa lix caruur ah aabahood qaraxii ayuu ku dhintay, adeerna uma jooga, ,Lacagta la siiyay waa 500$ ,lambarka laga helikaro 0617230085 Hodan

6: Dahabo oo ah Hooyo haysata Afar Caruur ah laba Wiil iyo laba Gabdhood waxa ay qaraxii Zoobe ku wayday Saygeeda oo reerka gacanta ku haayay, haddana Dahabo waxa ay leedahay uur, ,Lacagta la siiyay waa 500$ ,lambarka laga helikaro 0615689595 Hodan

 7: Hooyo Xaliimo Cali oo haysata 4 caruur ah oo saygeeda ku wayday qaraxii Zoobe, waxay ka cudur daaratay inaysan imaan Karin, laakiin aysan dirsatay wakiil , ,Lacagta la siiyay waa 500$ ,lambarka laga helikaro 0618959727 Hodan 

waxaa diyaariyey: Ali Omar Abdi